Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari

0
1

Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo lagu magacaabo Fu’aad Xanano ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay buuraleyda Cali-Miska ee gobolka Bari.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa dhacay xilli sarkaal Xanano iyo askari kale ay howlgallo ka wadeen halkaasi. Qaraxa ayaa sababay in sarkaal Xanano uu waayo mid ka mid ah lugihiisa.

Ciidamada Puntland oo uu ugu horeeyo Sargaal Xanano ayaa waxa ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u badan ay ka wadeen Buuraha Cal-Miska, iyagoo si gaar ah diirada u saaray deegaanka Tursumaale.

ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib ula wareegaan dagaalyahanada Daacish. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadkii dib u gurtay ayaa la sheegay in ay aaseen miinooyin badan si ay u gaabiyaan ciidamada soo socda.

Ilo wareedyo dhanka ciidamada ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay xoojiyeen howlgalada ay ku baadigoobayaan waxyaabaha qarxa ee deegaanadaasi ku sugan. Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in kooxda ISIS ay si isa soo taraysa u adeegsatay xeeladaha jabhadda sida in ay miinooyin ku aasaan si ay khasaare ugu geystaan, ugana hor istaagaan horumarka milatari.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa maamulka Puntland waxa ay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha hubeysan iyo sugidda ammaanka gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here