Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab uu ka socdo.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] oo ah taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa kormeeraya howlgalka oo ay barbar socdaan madaxda deegaanka.
Weerarkan ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan maleeshiyaad deegaanka ah oo loo yaqaano Macwiisley, kuwaasi oo la doonayay in lagu weeraro deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin labada qeyb ee galbeedka iyo bariga Hiiraan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidan.
Cilmi Shooke oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Macwiisley ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay la galaan Al-Shabaab. Wuxuu ku booriyay ciidamadiisa inay u diyaar garoobaan duulaanka la doonayo in lagu soo afjaro kacdoonka socda ilaa 2022-ka.
Howlgalkan ka socda Hiiraan ayaa daba socda istaraatiijiyad ballaaran oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dooneyso in Al-Shabaab ay dib ugala wareegto dhulalka. Hindisahaan ayaa horey guulo uga soo hooyay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxaha nabad diidka ah muddo sanado ah.
Duullaankan ugu dambeeyay ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo ay dowladda Soomaaliya ku qaaday ololaha ay Al-Shabaab kaga saarayso deegaannada istiraatiijiga ah.