Mas’uuliyiinta maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyay Geerida Gudoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee degmada Baled-xaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo qarax miino oo lagula eegtay gudaha degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in shalay miino nooca dhulka lagu aaso ah ay la kacday isaga, Askar iyo masuuliyiin kale oo la socday xilli ay kasoo laabteen garoonka diyaaradaha ee degmada Baled-Xaawo oo howlo shaqo iyo kormeer ay ku tageen.
Dadka degaanka iyo goob joogayaal ayaa sheegay in Dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen qaraxaasi lala eegtay Gudoomiye kuxigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Degmada Beled Xaawo.
Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in Dhaawaca uu gudoomiye ku xigeenka kasoo gaaray qaraxaas uu u geeriyooday maadama ay ciriiri badan uu ka jiray dhanka diyaaradaha kadib waxaa suurtagashay in diyaarad qaas ah loo diro taasi oo shalay keentay magaalada Muqdisho waxaana la xaqiijiyey in markii la keenay kadib uu ku geeriyooday Isbitaal Muqdisho ku yaalla.
Illaa iyo hadda majirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkaasi, inkastoo weerarada noocaani oo kale ah ee mas’uuliyiinta lala bartilmaamaysado ay sheegtaan Dhaq dhaqaaqa Al shabaab.