Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in howlgallada ka socda Gobolka Bari ay ku qabsatay deegaanno ay gacanta ku heysay Kooxda Daacish, waxa ay laamaha ammaanka soo bandhigeen godad, Dawooyin iyo agab kale oo ciidan.
Deegaannada ay Puntland sheegtay in ay gacantooda soo galeen waxa ay kala yihiin Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo Isha Siido oo dhammaantood ah dhul buuraley ah.
Puntland ayaa intaas ku dartay in maalmihii lasoo dhaafay guulaha ay gaarayeen Ciidamada ka howlgallaya dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari ay is daba-joog ahaayeen, waxaa Shacabka looga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamadaas.
Dhanka kale, Magaalada Boosaaso waxaa ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Ajaanibta aan sharciga ku galin deegaannada Dowlad-Goboleedkaas kuwaas oo la faray in ay maraan habraaca Hay’adaha ammaanka ay diyaariyeen si xogtooda loo diiwaangeliyo.