Soomaaliya oo 125.5 milyan oo taageero ah weyn doonta

0
5

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u joojinayso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah marka laga reebo Israaiil iyo Masar.

Go’aankan ayaa yimid xilli Mareykanka uu Soomaaliya u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Bishii Oktoobar 2024, Mareykanka iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis $68.5 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada.

Heshiiskan waxaa ka mid ahaa ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideystaan, laguna dayactiro in ka badan 200 oo fasal.

Sidoo kale, bishii Disembar 2024, USAID waxay ku dhawaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo loogu talagalay wax ka qabashada cunto yaraanta iyo nafaqo-xumada ka jirta Soomaaliya. Maalgelintan ayaa xoogga saaraysa sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka maxalliga ah ee la daalaa-dhacaya saameynta isbedelka cimilada.

Si kastaba ha ahaatee, hakinta barnaamijyada USAID ayaa durba walaac xooggan ka abuurtay Soomaaliya oo si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si loo maareeyo xaaladaha nololeed ee adag.

Go’aanka Mareykanka ayaa si gaar ah u saameyn kara qoysaska nugul ee ka faa’iideystay barnaamijyada waxbarashada, caafimaadka, iyo sugnaanta cuntada.

Hakinta barnaamijyada waxay sidoo kale ku soo beegantay xilli USAID ay dhawaan ku dhawaaqday mashruucyo cusub oo shan sano ah, kuwaas oo ku kacaya $28 milyan, looguna talogalay horumarinta hab-nololeed waara iyo xoojinta raasamaalka bulshada Soomaaliyeed.

Wadarta ballan-qaadyadii USAID ee Soomaaliya intii u dhaxaysay Oktoobar 2024 iyo Janaayo 2025 ayaa gaaraysay $125.5 milyan. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan cusub ayaa abuuraysa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here