Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa xaqiijiyay in Masar ay Soomaaliya u soo daabuleyso ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya, isla markaana heshiis labo geesood ah la galay dowladda Soomaaliya.
Wasiir Fiqi oo wareysi siiyay TV-ga TeN ayaa qiray in dad gaar ah ay iska caabin kala kulmeen in Masar ay ka qeyb qaadato howlgalka. Mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay xiisadda Masar iyo Itoobiya ku yeelan karto xasilloonida Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Masar ay ka qeyb qaadato la dagaalanka argagixisada iyo dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waa inay aqbalaan in ciidamada Masar ay qayb ka noqdaan howlgalkan, ka qaybqaadashadooda waxay horseedi doontaa guulo aan horay loo arag oo laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri.
Fiqi ayaa carabka ku dhuftay sida Soomaaliya ay uga soo kabaneyso dhagartii hore iyo sida ay haatan diirada u saaran tahay ciribtirka argagixisada gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab. Wuxuu ku ammaanay Masar sida ay uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay in labada dowladood ay dhowaan xoojiyeen iskaashiga ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wadashaqeynta ayaa la xoojiyay intii lagu jiray wadahadaladii ugu dambeeyay ee farsamo ee ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo soo billowday howlihiisa shanta sano ah horaantii sanadkan. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Masar ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka caawiso xasilinta dalka iyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.