Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo lawareegay deegaanka Jicibow

0
2

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, kadib dagaal xooggan oo ay la galeen Al-Shabaab.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Jicibow oo ah goob istaraatiiji ah oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin, maadaama ay ku sugan yihiin hareeraha Wabiga Shabeelle. Al-Shabaab ayaa deegaankaasi ka dhigtay marin muhiim ah oo isku xirta galbeedka iyo bariga gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada ayaa xaqiijiyay in xoogaga Al-Shabaab si qasab ah looga saaray difaacyo waaweyn oo ay ka sameysteen hareeraha webiga jiinka si ay u xakameeyaan dhaq dhaqaaqa gobolka.

Saraakiisha ciidamada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa howlgalkii Khamiista ku tilmaamay guul weyn, iyagoo caddeeyay in Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, iyadoo faah faahin gaar ah la filayo in dhowaan laga soo saaro.

Ciidamada xoogga dalka oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa afartii maalmood ee la soo dhaafay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula-burte.

Marka laga soo tago Jicibow, waxa ay ciidamadu dhawaan dib ula wareegeen deegaano kale oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Beero Yabaal, Buur Abooto, Ceega Galmaay, Jidcilaan, Cadow Gureey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here