Horjoogeyaal ajaanib ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

0
1

Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ciidamada dadka deeganka Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay horjoogayaal ajaanib ah oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Cali Jeyte ayaa xusay in ay arkeen Ajaanib ka soo tagay dalalkooda oo deegaanka Beerayabaal ka dagaalamaya, iyagoo garab siinaya dagaalameyaasha Soomaalida ee ka tirdan kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale Cali Jeyte ayaa wacad ku maray inuu cir iyo dhul ah ka duqeyn doono xubnaha Ajaanibta iyo kuwa Soomaalida ee ku sugan deegaanada Jiinka Webiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan.

Ergeyga ma uusan sheegin tirada sax ah ee Ajaanibta ay ku dileen dagaaladii ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Beerayabaal iyo Jicibow ee gobolka Hiiraan.

Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa ka socda inta u dhexeysa Degmooyinka Buula Burde iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.

Maalmihii ugu dambeeyay dagaal iyo duqeymo culus ayaa ka dhacay gobolka Hiiraan, iyadoona khasaare xooggan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here