Dagaal beeleed ka dhacay degmada Luuq ee Gobolka Gedo

0
6

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday halka dadka ku dhaawacmay ay gaarayaan labo kale.

Odoyaasha dhaqanka degmada ayaa isku howlay daminta xiisaddaan iyada oo lasoo warinayo in ay xoogga saareen sidii ugu horreyn loo dhallin lahaa xabbad-joojin si tallaabada xigta laga dhiga in la kala durjiyo maleeshiyaadka hubeysan.

Waxaa jiray heshiis maleeshiyaadkaan dagaalamay ay horay u wada gaareen Duubabkooda dhaqanka iyaga oo ku ballamay in gacan adag lagu qabto dhincii jebiya xabbad-joojinta isla markaana la saaro mas’uuliyadda wixii dhib ah ee dhacay.

Wararka laga helayo Degmada Luuq ayaa kusoo warramaya in saraakiisha hay’adaha ammaanka ay sheegeen in ay soo qabanayaan dadkii dib usoo kiciyay xiisaddaan ee sababta u ah in dagaal maanta uu ka dhaco Degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here