Madaxweyne Erdogan oo socdaal diblomaasiyadeed ku tagi doona dalalka Malaysia, Indonesia, Pakistan, Somalia iyo Ethiopia

0
5

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabayo booqashooyin diblomaasiyadeed oo xiriir ah oo uu ku marayo wadamo badan oo ku yaalla Aasiya iyo Afrika, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Turkiga uu la leeyahay dalalkan.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan wuxuu u safri doonaa Malaysia, Indonesia, iyo Pakistan muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo 10-ka illaa 13-ka Febraayo 2025. Booqashooyinkan ayaa ujeedadoodu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, lagana wadahadli doono taageerada Turkiga ee dalalkan, iyo inuu wax ka qabto arrimaha muhiimka ah ee saameeya dunida Islaamka.

Wararku waxa ay sheegayaan in ka dib socdaalkiisa Asia, Erdogan uu u weeci doono Afrika, isaga oo booqan doona dalalka Somalia iyo Ethiopia.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Turkiga ayaa xaqiijinaya in booqashooyinkan ay la socdaan sida ay uga go’an tahay Erdogan inuu ballaariyo saameynta Turkiga iyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka Afrika.

Wafuud horudhac ah ayaa horay u gaaray Malaysia, Indonesia, iyo Pakistan si ay ugu diyaar garoobaan shirarka heerka sare ah. Erdogan ayaa la filayaa inuu ka hadlo iskaashiga dhaqaalaha, xasiloonida gobolka, iyo doorka Turkiga ee caawinta dalalkan.

Diseembar 2024, Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono Soomaaliya iyo Itoobiya horraanta 2025. Iyadoo ay socoto qabanqaabada booqashadiisa Soomaaliya, weli si rasmi ah looma shaacin xilliga uu imaanayo.
Booqashooyinka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan heshiisyo dhowr ah oo dhinacyo kala duwan ah si loo xoojiyo qaab dhismeedka sharciga ee xiriirka labada dhinac. Intaa waxaa dheer, Erdogan wuxuu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha dalalka martida loo yahay si loo horumariyo iskaashiga dhaqaalaha.

Arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ayaa sidoo kale diiradda saaraya iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Gaza-sidoo kale waxay noqon doontaa ajandaha inta lagu jiro wadahadalka Erdogan ee hoggaamiyeyaasha sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

Safarkan dublamaasiyadeed waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay Turkiga xoojinta xidhiidhka dalalka kale iyada oo ka hadlaysa arrimaha cakiran ee caalamiga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here