Maxaa ka jira in la dhammeystiray sahminta Shidaalka Soomaaliya?

0
5

Wasiirka cusub ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaa kulamo ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay howlgalka Shidaal barista ee uu Soomaaliya ka wado markabka Oruc Reis.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in markabka Oruc Reis uu dhameeyay boqolkiiba 50 cilmi baarista seismic ee badda Soomaaliya.

Labada wasiir ‘waxay ka wadahadleen habka soo socda ee hawlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee aan ku horumarin karno dhulka’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in billaabay hannaan cusub oo wada shaqayneed oo ku saabsan macdanta Soomaaliya.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa ku soo xirtay dekedda Muqdisho bishii Oktoobar ee la soo dhaafay howshiisa sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here