Goobihii Ganacsiga Muqdisho ee loo xiray culeyska Ganacsatada la saaray oo dib loo furay

0
5

Waxaa saakay dib loo furay Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Muqdisho kaddib markii Guddiga ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay in dib loo furo Goobahaas oo xirnaa afartii cisho lasoo dhaafay.

Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir oo la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u gudbiyay cabashadooda.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Ganacsatada ugu baaqay in ay dib u furaan goobahooda ganacsiga isla markaana laga dulqaaday culeyskii caqabadda ku noqday ee sababay in la xiro inta badan Suuqyada muhiimka ah ee caasimadda.

Xubno katirsan Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhibaato xooggan ku qabaan lacagaha aan hakadka lahayn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya marba dhinac uga keeneyso sidaas awgeed loo baahan yahay in xal la raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here