Madaxweynaha Somaliland Oo Beeniyay Qorshaha Maraykanka Ee Dib U Dajinta Qaxootiga Falastiin

0
6

Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa si adag u beeniyay warar sheegayay in dowladdiisu ay kala hadashay dowladda Mareykanka in dib u dejin loo sameeyo qaxootiga Falastiiniyiinta, isagoo carrabka ku adkeeyay inaan weli codsi rasmi ah laga helin.

C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro oo waraysi siiyey Sky News Arabia, ayaa beeniyey wararka sheegaya in Somaliland loo aqoonsanayo inay tahay goob loo rarayo Falastiiniyiinta laga soo barakiciyey Qaza, ka dib hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku saabsanaa dib u dejinta qaxootiga dalalka kale.

“Somaliland waxa ay qiimeysaa iskaashiga ay la leedahay Maraykanka ee dhinacyada dhaqaalaha, ciidamada iyo diblomaasiyadda, laakiin arrintan nalama soo xidhiidhin, arrin kasta oo baaxaddaas leh waxa ay u baahan tahay wada-hadallo dhammaystiran,” ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in Somaliland ay si hagar la’aan ah u taageerto xuquuqda Falastiin, waxaanu ku baaqay in la gaadho go’aan dublamaasiyadeed oo la jaan-qaadi kara is-afgarad ballaadhan oo Carabta. Waxaanu intaa ku daray in Somaliland ay xidhiidh dhaw la leedahay dhawr waddan oo Carbeed, isla markaana ay ka go’an tahay inay door wax ku ool ah ka qaadato arrimaha gobolka.
Hadalka Cirro ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan hadal heynta ugu badan ee ka dhalatay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo soo jeediyay in Falastiiniyiinta laga raro Qaza loona wareejiyo dalal kale. Warbaahinta Israa’iil ayaa tan iyo markii ay shaaciyeen in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin meelaha laga yaabo in la dejiyo, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac ee Washington iyo Hargeysa.

Hadalkan ka soo yeedhay hogaamiyaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo uu gobolku ka socdo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo cakiran. Cirro oo dhawaan magaalada Dubai kaga qayb-galay shir madaxeedkii dawladaha adduunka, ayaa caddeeyay in maamulkiisu uu xoogga saarayo horumarinta dhaqaalaha, xoojinta xidhiidhka dublamaasiyadeed, iyo ilaalinta xasiloonida siyaasadeed ee Somaliland ee Geeska Afrika oo sii xumaanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here