Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hantidhowrka Guud ee dowladda, oo lagu eedeeyay inuu faragelin toos ah ku sameeyay galalka maxkamadda iyo isku day uu ku doonayay inuu saameyn ugu yeesho go’aannada garsoorayaasha.
Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa lagu faray in Axmed Ciise Guutaale oo ku eedaysan qodobka 254, 257 iyo 267 XCS, uu horyimaado maxkamadda maalinta Axada, 16-ka Febraayo 2025, saacadda 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo ugana jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
“Axmed Ciise Guutaale ayaa ku kacay faldambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aan iyo Is-hortaag go’aan Maxkamadeed iyo in uu ishortaag ku sameeyay bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha Maxkamaddaha iyo diiwaangalinta heshiisyada ay Maxkamaduhu galeen, taasna ay ka dhalatay in ay istaagto Shaqada maalinlaha ah ee Maxkamaddaha,” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamaddu ay soo saartay.
Maxkamaddu waxay sheegtay haddii uusan kasoo xaadirin, maxkamaddu waxay qaadi doontaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.