Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano badan

0
6

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus kula wareegay deegaano dhowr ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ciidamadaan is kaashanaya ayaa howlgalada kula wareegay deegaano badan oo ku yaala jiinka Wabiga Shabeelle, waxaana ka mid ah deegaanadaas Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgaladan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalada khasaare xoog leh lagu lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, islamarkaana lagu dilay howlgalada xubno badan oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee laga dilay kooxda.

Waxaa sidoo kale saraakiishu ay xaqiijiyeen iney gacanta ay kusoo dhigeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanada howlgalada kula wareegeen ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka.

Howlgaladaan ciidamadu kala fuliyeen deegaanadaan dhaca Jiinka wabiga shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa qayb ka noqonaya dadaalada ciidanka dowladda fedaraalka iyo dadka deegaanka ay ku doonanayaan in Al-shabaab ay kaga xureyaan goobaha ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here