Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysna oo ciidamo ka tirsan kuwa difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ku qaadeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.
Weerarka ayaa la sheegay in ciidanka deegaanka ay ku bartilmaameedsadeen hoyga uu ka dagan yahay degmadaas taliyaha Xisbada Al-shabaab u qaabilsanaa degmada Ceelbuur, waxaana lasoo wariyay in weerarkaas khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Wali si dhab ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha la gaarsiiyay Al-shabaab ee Xalay weerarka gaadmada ah ku qaadeen ciidanka difaaca deegaanka ee ka howlgala gobolka Galgaduud.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleeyda ee weerarka fuliyay si nabad ah uga soo laabteen fariisimahii ay ka duulaan tageen, halka kooxdu ay cadaadis xoogan ku bilaawday dadka ku sugan gudaha magaaladaas.
Waa markii labaad oo weerar noocaan oo kale ah ay ku qaadaan ciidanka Macawiisleeyda gudaha degmada Ceelbuur oo ka mid ah talisyada ugu waa weyn ee Al-shabaab ku leedahay Soomaaliya.