Munaasabadan saxiixa heshiiska, guddoomiye ku-xigeenka iyo maamulaha shirkadda Arabeek Digital Holding, Fahad Nawaf Al-Dosari, ayaa sheegay in heshiisku uu u sahlayo shirkaddu inay qabato hawlo badan, Heshiiskaan waxaa ku jira muddo 5-sano ah oo diyaarinta dhismaha iyo horumarinta Dekada Magaalada Baraawe, iyadoo lala kaashanayo shirkad laga leeyahay dalka Masar ee “MYD”.
Wadarta qiimaha mashruucan ayaa dhan $500 milyan, wuxuuna ku fadhiyaa dhul dhan 200 oo kilomitir oo isku wareeg ah, Sahanka hore iyo shaqada qiimayntu waxa ay bilaabmi doontaa bilaha soo socda.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu saameyn dhaqaale oo wanaagsan yeesho uuna soo jiito wadamo badan oo gobolka ah, oo ay ku jiraan Itoobiya, Koonfurta Suudaan, Waqooyi-Bari Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan heshiiskaasi.