Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay joojisay xaquuqdii ay lahayd Jubbaland, isagoo sheegay in ay siyaasadeysay mashaariicda iyo howlaha la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo, sida uu sheegay, wiiqaysa dadaallada horumarineed ee dalka.
Axmed Madoobe waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda federaalka aan lagu aamini karin masuuliyadda maamulka mashaariicda horumarineed iyo adeegyada bulshada.
“Inta dowlad Soomaaliyeed la helayo, ma doonayno in ay wax nooga yimaadaan dowladda Federaalka. Wax nagala dhaxeeya ma jiraan, umana aqoonsanin Dowlad Soomaaliyeed oo dano qaran ka shaqeynaysa. Waxaan u aqoonsannahay shirkad Xamar ka shaqeysa,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo si cad u muujiyay in maamulka Jubaland uu gooni u maareyn doono arrimihiisa.
Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ku dhaleeceeyay dowladda federaalka inay dalka u horseedayso burbur iyo kala qeybsanaan, isagoo ku eedeeyay in ay si aan caddaalad ahayn u kala xigsatay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho iyo kuwa Jubbaland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhankeeda, waxay Axmed Madoobe u aragtaa inuu xukunka si sharci-darro ah ku joogo, iyada oo horey u qaadacday doorashadii lagu doortay. Dowladda ayaa sidoo kale kusoo oogtay eedo ah inuu yahay dambiile qaran, islamarkaana uu waaran maxkamadeed ka yaallo gudaha dalka.