Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug

0
9

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan aroornimadii hore ee saakay ka fuliyay deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa ahaa mid ciidamada is kaashanaya ay ku beegsadeen goobo la tilmaamay in kooxdu ay baad kaga qaadi jireen dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaas.

Saraakiisha hoggoomineysay howlgalka ayaa sheegeen in goobta la beegsaday ay ku sugnayeen horjoogayaal iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo muddo si dhuumaalaysi ah ugu dhibaateenaayay dadka shacabka ah, islamarkaana ciidamadu ay ku guuleysteen iney cagta mariyeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalada noocan oo kale ah ayaa horey uga fuliyeen ciidamada is garabsanaya deegaano badan oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug.

Deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay si xowli ah uga socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolkaas, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi kooxda looga xureeyay dhul baaxad leh oo ay horay u maamuli jirtay mudo dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here