Dagaal iyo qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

0
11

Dagaal u dhaxeeya ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka iyo AS ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed oo ku yaalla duleedka magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii AS ay weerar qaraxyo ku billaawday ku soo qaadeen Saldhig ay ciidamada xoogga iyo Macawiisleyda ku leeyihiin deegaanka Ceel Cali Axmed, halkaasi oo laga ilaaliyo Amniga guud ee degmada Aadan Yabaal.

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaankaasi ayaa tilmaamaya in weli la maqlayo rasaasta, balse aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka.

Dowladda Federaalka ee soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle Weli kama hadlin dagaalkas manta ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here