Ingiriiska oo qabtay Tahriibayaal la tuhmayo in ay Soomaali ku jirto

0
2

Dowladda Ingiriiska ayaa qabatay tahriibayaal kasoo gudbay dhinaca Faransiiska kuwaas oo la socday doon, waxa ay gaarayaan 12 ruux oo la sheegay in ay kasoo jeedaan qaaradda Afrika kuwaas oo doonayay in ay si tahriib ah ku galaan boqortooyada Biritin.

Saraakiil katirsan Ciidanka ilaalada Xuduudaha Ingiriiska ayaa sheegay in dadkaan la qabtay su’aalo laga weydiinayo qaabkii ay usoo safreen, haddii ay jiraan koox kale oo safar soo ah iyo dhaqaalaha ay ku bixiyeen.

Ingiriiska oo horay dhiggiisa Faransiiska ugu goodiyay in uu dib ugu celinayo tahriibayaasha kusoo qulqulaya dhankiisa ayaa weli qaadin tallaab la xiriirta arrintaas balse waxa uu dejiyay magangalyo doonkii u yimid goobo gaar ah.

Mas’uuliyiin katirsan waaxda la dagaalanka soogalootiga ee Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in sanadkii tagay 2024 ay xargo goysteen tirada dadka tahriibka uga soo gudbaya dhinaca Dalka Faransiiska oo xuduud biyeed ay wadaagaan.

UK ayaa qarka u saaran in ay gabi ahaan joojiso doomaha yaryar oo ay soo raacaan tahriibayaasha naftooda halista geliya ee usoo bareera sidii ay isaga kala gudbi lahaayeen marin biyeedka kala qaybiya Faransiiska iyo Ingiriiska.

Si dhab ah looma shaacin dhalashada dadkaas oo la sheegay in ay kasoo jeedaan qaaradda Afrika, waxaa jira warar hordhac ah oo sheegaya in ay isugu jiraan Soomaali, Itoobiyaan, Eretariyaan iyo dalal kale oo isla qaaraddaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here