Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
2

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab barqanimadii maanta ay ku qaadeen tuulada Cadaan laxeey oo hoostagta deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lasoo wariyay in weerarka ay ku beegsadeen fariismo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin tuulada, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal culus oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah.

Dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada iskaaahanaya, mana cadda ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka culus ee ka dhacay tuulada Cadaan laxeey.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay dhanka dowladda iyo ciidanka deegaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada iskaashaya ay dib u celiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday ee Al-shabaab.

Weerarka Al-shabaab maanta ku qaaday tuulada Cadaan laxeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay deegaano iyo degmooyin la tirsan gobolkaas ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhaxeeyay kooxda Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah ee ku howlan maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ay ku doonayaan iney dalka kaga xureeyaan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here