Dagaal culus oo aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay gobolka Hiiraan

0
2

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo aroorninadii hore ee saakay ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beera yabaal ee gobolka Hiiraan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kula jarmaadeen fariisimo ciidamada huwanta ah ku leeyihiin agagaarka deegaanka Beera yabaal oo hoostagta degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo si weyn looga maqlaayay deegaano ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay.

Wali si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka culus ee saakay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Beera yabaal, waxaasa wararka hordhaca ah oo ay heleyso HOL ay sheegayaan inuu jiro khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ku aadan khasaraha ka dhashay dagaalka saakay dhacay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in haatan dagaalka uu istaagay islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku sugan yihiin goobaha lagu dagaalamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here