In ka Badan Hal Milyan oo Qof oo laga Cabsi Qabo in Ay Abaaro Ku Dhuftaan Soomaaliya

0
5

Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay abaaro laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan in ka badan hal milyan oo qof gudaha Soomaaliya, sida ay Talaadadii baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Abaartan, oo la saadaalinayo in ay reer miyiga Soomaaliya ku dhufato bilaha soo socda, ayaa la filayaa in tirada dadka ay saamayso ay kor usii kacdo, maadaama dowladda Maraykanku ay jartay taageeradii ay siin jirtay hay’adaha gargaarka, sida uu sheegay Jean-Martin Bauer, Agaasimaha Adeegga Falanqaynta Ammaanka Cuntada iyo Nafaqada ee WFP.

Sannadkii 2022 ayaa ka mid ahaa sannadihii ugu qalafsana ee soo maray reer miyiga Soomaaliya, iyada oo dad gaadhaya 43,000 qof ay ku dhinteen abaaro xidhiidh ah oo dalka ku dhuftay, sida lagu sheegay warbixin laga qoray saameynta ay abaaruhu ka gaysteen Soomaaliya sannadihii u dambeeyay.

“Warbixin dhawaan la daabacay ayaa sheegaysa in dad ka badan 3.4 milyan ay wajahayaan cunto-yaraan daran Soomaaliya, tiradaas oo laga yaabo in ay sare ugu kacdo 4.4 milyan bilaha soo socda,” ayuu yidhi Bauer.

Abaartu waxay si gaar ah ugu darantahay carruurta, waxaana la filayaa in 1.7 milyan oo carruur ah oo ka yar 5 sano ay wajahaan nafaqo-daro marka la gaadho bisha December ee sannadka 2025, sida ay sheegtay WFP. Waxaa intaa dheer in 466,000 ka mid ah carruurtaas ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo aad u daran.

Horey, WFP waxay hoos ugu dhigtay barnaamijyadeeda gargaarka, iyada oo haatan caawinaysa 820,000 oo qof oo Soomaali ah, tiradaasi oo aad uga yar marka loo eego 2.2 milyan oo qof oo ay caawisay xilligii ay taagnayd abaartii darnayd ee 2022, sida uu sheegay Bauer.

Bauer wuxuu sheegay in dadaallada caawinta dadka jilicsan ee hay’adda WFP ay hoos u dhaceen kadib tallaabadii aan la mahadin ee uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku joojiyay taageeradii ay dowladdiisu siin jirtay hay’adaha gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here