Booliska Somaliland oo xiray muuqaal laga duubay askari dharbaaxaya haweenay

0
18

Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay askari muuqaalkiisu ku baahay baraha bulshada Khamiistii, kaasoo muujinaya isagoo dharbaaxaya gabadh dhallinyaro ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay booliiska ayaa lagu xaqiijiyay in sarkaal Haadi Cumar Baadi uu ku xad gudbay nidaamka anshaxa ee ciidanka, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa gacanta ku soo dhigay Xadi Cumar Baadi, oo laga duubay muuqaal isagoo dhirbaaxaya gabadh yar, falkaas oo ah mid ka hor imanaya anshaxa iyo dhaqanka Ciidanka Booliska Somaliland. Eedeysanaha waxaa si deg deg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo askari ka tirsan ciidamada amaanka uu wajaho dacwado ka dhan ah qof rayid ah. Sanadihii u dambeeyay, qaar ka mid ah askarta ayaa lagu xukumay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, halka qaar kale oo kamarad laga soo qabtay iyagoo dambiyo kuwan la mid ah sameynaya ay ka gaabsadeen cadaaladda.

“Dhibaatada kadeedka booliisku isma bedeli doonto ilaa nidaamka dib u habeyn lagu sameeyo,” ayuu yiri qareen Guuleed Dafac, oo u ololeeya in la hagaajiyo anshaxa booliiska.

Maamulka Somaliland ee hadda talada dalka haya oo mudadii uu mucaaradka ahaa la kulmay tacadiyo boolisku, ayaa ballan qaaday in uu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka cadaaladda dalka iyo xaaladaha xabsiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here