Wadayaasha Mooto Bajaajta oo maanta dibad baxyo ka dhigay Magaalada Muqdisho

0
4

Qaar kamid ah wadayaasha Mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dibad baxyo ka dhigay isgooyska KM4 iyagoo ka cabanaya lacago ay ku sheegeen kuwa sharci dara ah oo ay qaadaan taliska ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Gobolka Banaadir.

Wadayaashaan ayaa sheegay in laga qaado si maalin le ah lacago gaaraya illaa iyo 5 Doolar oo ay tilmaameen in dhibaato ay ku tahay daqliga maalin laha ah ee kasoo gala wadista moota Bajaajta, waxaana wax laga xumaado ay ku tilmaameen in iyadoo bil Ramadan ay tahay aysan jecleen inay banaan baxaan dhigaan balse ay u dulqaadan waayeen dhibaatada ay taraafikada kala kulmayaan.

Qaar kamid ah Wadayaasha mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in lacagtaan xitaa maalintii aan guryaha ay kasoo shaqo tageen lagu biilin ayna ku adag tahay bixintoodi.

Mid kamid ah wadayaashaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “”Maalin kasta 5 doolar xitaa guryaha laguma biilo, bil Ramadaan waayay inaan isku soo baxno ma rabin ee waa nagula kalifay”.

Talisyada Booliska iyo midka Taraafikada ayaa isku dayaya inay la hadlaan wadayaasha mooto Bajaajta oo ku hanjabay in illaa dhibaatada lagu haayo laga dhafaayo ay sidaan usii joogteeyn doonaan banaanbaxyada ay ku muujinayaan inay dhibanayaal u noqdeen askarta ka shaqeeysa wada marista ee taraafiikada looyaqaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here