Howlgalka cusub ee AUSSOM oo noqonaya wejigii saddexaad ee howlgalka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya ka howlgala

0
2

Howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa noqonaya wejigii saddexaad ee howlgalka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya ka howlgala, kaasoo markii hore billowday bishii Janaayo ee sannadkii 2007-dii, iyadoo magaca AMISOM loo bixiyay.

Markii ugu horeysay ee ciidamadan Afrikaanta ah ay yimaadeen Soomaaliya waxaa horey uga socday dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya ciidamada Itoobiya (oo aan si rasmi ah uga tirsaneyn AMISOM), iyo garabyo ka soo baxay midowgii Maxkamadaha Islaamka.

Sanadihii la soo dhaafay, AMISOM waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay howlgallada ciidan ee ka socda guud ahaan dowlad goboleedyada Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii ugu dambeeyay—gaar ahaan markii ay u wareegtay ATMIS—Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa hormuud ka ahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

AUSSOM hadda waxaa loo xilsaaray inay la shaqeyso ciidamada federaalka Soomaaliya, ciidamada daraawiishta heer dowlad goboleed, iyo maleeshiyaadka Macawiisley ee deegaanka. Si ka duwan kuwii ka horreeyay, AUSSOM waa hawl yar, oo diiradda saaraysa.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Burundi oo kaalin mug leh ka qaatay sugidda amniga Hirshabeelle oo ah goob muhiim ah oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, ayaan hadda qeyb ka ahayn howlgalka.

Masar ayaa ku biirtay AUSSOM, balse ciidamadeeda ayaan wali si buuxda ugu biirin howlgalka. Iyadoo Masar ay samaysay diyaargarow, haddana lama shaacin goobaha rasmiga ah ee la geynayo. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika midna ma cadda halka la dejin doono ciidamadan Waqooyiga Afrika.
Muddo sanado ah, ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya wax yar kama soo kordhin howlgallada guracan, iyadoo ciidamada qaar ay ka qeyb qaadanayeen wax ka yar 5% ol’ole firfircoon.

Hadda, Soomaaliya waxa ay wajaheysaa laba caqabadood oo isku xiran: si guul leh oo Al-Shabaab looga ciribtirayo howlgallada milatari ee joogtada ah iyo qabashada doorasho dadweyne oo guud ahaan dalka ah.

AUSSOM ayaa loo arkaa in ay tahay nidaam taageero u noqon kara dowladda federaalka ah ee Soomaaliya maadaama ay mareyso marxaladahan xasaasiga ah.

Haddi lagu guuleysto, howlgalkan ayaa Soomaaliya ka caawin kara in ay ka gudubto caqabadaha amni iyo kuwa siyaasadeed, taas oo muujinaysa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dalka iyo dadaalka milatari ee Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here