Maxkamada ciidamada Jubbaland oo xukun ku riday labo askari oo Al-Shabaab oo hub ka iibiyay

0
5

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa shan sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay labo nin oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada Jubbaland, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay hub ka iibinayeen kooxda Al-Shabaab.

Dhageysi dhowr ah oo ay Maxkamaddu ku dhawaaqday ayaa waxa ay ku heshay dambiyada loo haysto Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Sare C/llaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa ku dhawaaqay in labada nin lagu xukumay min shan sano oo xarig ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay hub ay raggan ka iibiyeen Al-Shabaab, kuwaasi oo markii dambe ay dib ugu soo celiyeen dowladda Jubbaland oo ay ka soo qaateen qoysaskooda.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa labada Guddoomiye ku xigeen ee Maxkamadda, Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, iyo Ehelada Eedeysanayaasha.

Korneyl Ibraahim waxa uu ku nuux-nuux saday in cid kasta oo aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda ay racfaan ka qaadan karto, waa haddii ay sharciga waafaqsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here