Sida ay sheegtay Shirkadda Maraakiibta iyo Saadka ee Itoobiya (ESL), Dowladda Itoobiya waxay dalbatay iibka lix markab oo cusub oo ganacsi, si loo xoojiyo rarka shixnadaha iyo alaabaha Itoobiya ay dhoofiso iyo kuwa ay lasoo degto.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Fana, laba kamid ah lixda markab ee ay Itoobiya soo iibsanayso ayaa la dalbaday oo hadda soo gaadhay Itoobiya, isla markaana shaqaynaya. Labada markab oo noocoodu yahay Ultramax dry bulk carriers ayaa midkiiba qaadi kara 62,000 oo tan.
Maraakiibta lasoo iibinayo waxaa sidoo kale ku jiri doona nooca loo yaqaan ETU, ee konteenarada qaada, kuwaas oo awood u leh inay markiiba qaadaan 3,000 ilaa 4,000 oo konteenar.
Maraakiibta aan weli lasoo iibin ayaa la filayaa inay soo gaadhaan Itoobiya sanadka dambe, iyaga oo door weyn ka qaadan doona ganacsiga, gaar ahaan soo dejinta iyo dhoofinta alaabaha, taas oo wax ka tari doonta kobaca dhaqaalaha Itoobiya, oo hadda ah waddanka shanaad ee ugu hodansan qaaradda Afrika.
Itoobiya waxay hadda haysataa raxan maraakiib ganacsi ah oo tiradoodu dhan tahay 10, oo uu ku jiro markabka weyn ee Abay II, oo mugiisu yahay 63,000 oo tan, halka kuwa kale uu qaadkoodu u dhexeeyo 26,000 ilaa 27,000 tan.
Dalabka maraakiibta cusub ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli ay si weyn ugu hanqal taagayso inay marin badeed ka hesho baddaha Gacanka Cadmeed, Badda Cas, iyo Badweynta Hindiya. Si gaar ahna, waxaa hada wadahadallo arrintaas la xidhiidha ay u socdaan Dowladda Soomaaliya.