Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Daahir Xasan Cabdi, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gacan seyray digniin amni oo dhawaan ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo sheegay in hadalka Madaxweynaha uusan xiriir la laheyn talada.
Wareysi uu siiyay VOA-da, ayuu danjiruhu ku caddeeyay in khudbaddii madaxweyne Maxamuud ee Jimcihii – oo uu ku eedeeyay jilayaasha ajnabiga ah iyo kuwa gudahaba inay hurinayaan xasillooni darrada – aysan ahayn diidmada digniinta ammaanka ee Mareykanka.
“Khudbada madaxweynaha waxa ay ku wajahneyd shacabka Soomaaliyeed, waxaana diiradda lagu saaray caqabadaha amni ee dalka ka jira, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo baahida loo qabo in la taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xaaladda amni ee Soomaaliya, kadib markii ay soo bateen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan gobolada dhexe. Kooxda xagjirka ah ayaa qaaday weeraro abaabulan, iyagoo si ku meel gaar ah u qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ku jirto Balcad, oo 30 KM u jirta Muqdisho, ka hor inta aysan ciidamada Soomaaliya dib ula wareegin.
Safaaradda Mareykanka ayaa horraantii toddobaadkan soo saartay la-talin dhanka ammaanka ah, iyadoo ka digtay “weeraro soo fool leh” oo ka dhici kara Muqdisho, oo uu ku jiro garoonka Aadan Cadde. Digniintan ayaa keentay in Turkish Airlines iyo Qatar Airways ay joojiyaan duullimaadyadii ay ku tagi jireen caasimadda Soomaaliya, taasoo keentay khasaare dhaqaale iyo inuu hakad galo isu socodkii. Falanqeeyayaasha amniga ayaa dhaleeceeyay digniinta, iyagoo ku doodaya inay abuurtay argagax, iyadoo aan la soo bandhigin sirdoon wax ku ool ah si looga hortago khatarta.
Intii uu khudbada jeedinayay, Madaxweyne Maxamuud waxa uu meesha ka saaray walaacyada amniga dibadda oo uu ku tilmaamay “dacaayad”, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay si madax bannaan u maareyso arrimaheeda amniga. Wuxuu ku booriyay Soomaalida inay ka fogaadaan goobaha ay ka taliso Al-Shabaab, isagoo ka digay in duqeymo cirka iyo dhulka ah ay la beegsan doonaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada.
Cabdi wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay si xooggan iskaashi dhanka ammaanka ah ula leedahay Mareykanka, ayna si joogto ah ula wadaagto xogta saraakiisha Mareykanka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Dowladda Somalia ay si dhab ah u qaadatay digniinta Safaaradda, isagoo soo qaatay go’aano ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee todobaadkii hore.
“Dowladda Soomaaliya ayaa weli ah isha rasmiga ah ee laga helayo wararka ku saabsan amniga,” ayuu raaciyay