Dowladaha Israa’iil iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxaha ka jira Bariga Dhexe, kulan Arbacadii ka dhacay magaalada Qudus.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen wada hadalkooda kadib, wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar iyo dhiggiisa Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa muujiyay xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo fallaagada Xuutiyiinta Yemen, oo labaduba loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka gobolka.
“Argagixisadu waa khatar la wadaago dadkeena,” ayuu yiri Saar. “Waxaan aragnaa argagaxiso Islaami ah oo xagjir ah oo ka jirta gobolladeenna – Xamaas ee Gaza, Xisbullah ee Lubnaan, Jihaadiyiinta Suuriya, iyo Al-Shabaab ee Afrika. Argagaxisada waa in la ciribtiraa.”
Sa’ar waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay xiriir la leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto, kuwaas oo sare u qaaday weerarada Bariga Dhexe tan iyo markii Xamaas ay weerar ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023. Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsaday marinnada maraakiibta Israel, waxayna hakad geliyeen isu socodkii ganacsiga caalamka, taasoo sii kordhisay xiisadda.
“Itoobiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa la dagaalanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yidhi Sa’ar, isagoo sharxaya in Al-Shabaab “ay la shaqeeyaan Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, taas oo sii xumaanaysa gobolka.
Sa’ar ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda booqashada Timoteyos, isagoo ku tilmaamay “in uu yahay midkii ugu horreeyey ee lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika”, wuxuuna Itoobiya ku tilmaamay mid ka mid ah dalalka hormuudka ka ah gobolka. Waxa kale oo uu xusay in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Itoobiya “uu dib u soo noqday wakhtiyadii kitaabiga ahaa,” isaga oo iftiimiyay bulshada soo-galootiga ah ee Itoobiya iyo Israa’iil inay tahay qayb ka mid ah bulshada Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo booqasho is-dhaafsi ah oo uu dhawaan ku tagi doono Itoobiya si looga wadahadlo arrimaha amniga iyo iskaashiga gobolka.
Sirdoonka Mareykanka ayaa dhawaan ogaaday in Xuutiyiinta Yemen ay kawada hadleen sidii hub loogu siin lahaa kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta. Saraakiishan ayaa hadda baadigoobaya cadeymo muujinaya in hubkii Xuutiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, waxayna isku dayayaan in ay ka soo baaraandegaan in Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaale siisa Xuutiyiinta ay ku lug leedahay heshiiska.