Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo sheegay in Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha

0
1

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop201.

Xildhibaanka lumiyay xubinimadiisi Golaha Shacabka oo lagu magacaabo Dr. Cabdullahi Xaashi Abiib ayaa lagu tilmaamay sababaha uu kursiga u lumiyay ay tahay in uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba kalfadhi oo xiriir ah, sidoo kalana uusan soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,

Sidaas darteedna uu ku lumiyay xubinmadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 59aad, faqradiisa (d) iyo Qodobka 8aad, faqradiisa (4) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Dr. Cabdullahi Xaashi Abiib oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka kasoo galay degaan doorashadiisa Gobolada Waqooyi ayaa Hab dhowraha Golaha shacabka waxa uu shaaca ka qaaday in fadhiyada Baarlamaanka kaliya uu soo xaadiray shan kulan oo kaliya 141 kulamo ay yeesheen mudanayaasha Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in isgoo dhaqangalinaayo Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe qodobada kor ku xusan, waxuu ku wargeliyay Hay’adaha ay quseyso in ay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday, iyada oo loo marayo hanaan waafaqasan dastuurka.

Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa waxa uu dhowr jeer barta uu ku leeyahay X ku daabacay warbixino ay u badan yihiin eedeymo kul kulul uu ujeedinayo Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here