Rwanda ayaa xiriirka diblomaasiyaadeed u jartay dalka Belgium, waxaana la faray dhammaan diblomaasiyiinta dalkaas ee ku sugan Rwanda inay isaga baxaan.
Sidoo kale, dawladda Rwanda ayaa amar ku bixisay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay dalkeeda kaga baxaan dhammaanba Diblumaasiyiintii dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub.
Dhanka kale, arrinkan ayaa ka dhashay ka dib markii Rwanda ay ka carootay eedo loo jeediyey kuwaassoo salka ku haya in Kigali joojiso taageerada ay siiso jabhadda M23 ee ka dagaallanta bariga dalka Congo taasoo muddooyinkii la soo dhaafay qabsatay goobo badan.
Sikastaba, dowladda Rwanda ayaa marar beenisay iney taageerto jabhadda M23 oo u dagaalanta xuquuqda dadka ka soo jeeda qowmiyada tutsiga ee ku dhaqan bariga Congo.