Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo u xirmay xiisado dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya

0
6

Xadka Kenya iyo Soomaaliya ee Mandheera iyo Buula Xaawo ayaa si kumeel gaar ah loo xiray kadib markii iska hor imaad khasaare dhaliyay uu dhex maray ciidamada amaanka Kenya iyo kuwa hay’adda NISA ee Soomaaliya.

Iska horimaadka oo ka dhacay Boostada laga ilaaliyo xuduuda ee Mandheera ayaa sababay dhimashada askari ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo warbaahinta gudaha magaalada Mandheera, rabshadahan ayaa ka dhashay markii ciidamo ka tirsan NISA Soomaaliya ay xoog ku galeen xadka Kenya Jimcihii 14-kii March.

Saraakiishan ayaa waxa ay damacsanaayeen in ay soo furtaan muwaadin Soomaaliyeed oo ay su’aalo weydiinayeen mas’uuliyiinta Kenya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, si degdeg ah ayay xaaladdu cirka isku shareertay, taasoo keentay in rasaas la isweydaarsado.

Dawladda Kenya waxa ay daabushay ciidmadeeda deg-degga ah ee loo yaqaan (RDU) si ay u sugaan xuduudka ugana hortagto iska hor imaad kale.

Waxaa hakad aan la cayimnayn la galiyay dhammaan ganacsigii isaga kala gooshi jiray xudduudaha iyo isu socodka dadka ee waddada isku xirta Mandheera iyo Buula Xaawo, taasi oo hakad gelisay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here