Dagaal ka dhex-qarxay askar Soomaali ah oo Turkiga lagu tababaro

0
11

Dagaal ka dhashay kulan kubadda cagta ah oo dhexmaray ciidamo Soomaaliyeed oo tababar militari ku qaadanaya dalka Turkiga ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 24 askari, sida ay saraakiisha deegaanka xaqiijiyeen Isniintii.

Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka Isparta ayaa lagu sheegay in dagaalku uu ka dhacay xerada ciidamada ee loo yaqaan Gen. Ihsan Alper, halkaas oo ay ciidamada Soomaalidu tababarka ku qaataan.

“Sida lagu helay warbixinada hordhaca ah, 24 askari oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, waxaana dhammaantood loo qaaday isbitaallada magaalada. Xaaladdooda caafimaad ayaa guud ahaan deggan marka laga reebo laba askari,” ayaa lagu yiri bayaanka maamulka gobolka.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale sheegay inaanu hadda jirin walaac amni oo ku saabsan xerada, balse ay socdaan baaritaanno maamul iyo sharci ah oo ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh.

Guddoomiyaha gobolka Isparta, Cabdullaahi Erin, ayaa booqday askarta dhaawacantay ee lagu dabiibayo isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel. Isagoo warbaahinta la hadlayay ayuu xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah ay kamid yihiin askarta lagu tababaro xerada ciidamada gaarka ah ee magaalada Isparta.

“Dagaalku wuxuu dhacay kaddib markii ay askarta Soomaaliyeed isku khilaafeen ciyaar kubadda cagta ah,” ayuu yiri Erin. “Ciidamadeena waxay si dhaqso ah u soo faragaliyeen xaaladda, waxaana dhaawacyo fudud soo gaareen askarta Soomaaliyeed qaarkood iyo ciidamadeenii soo kala dhexgalay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay markiiba soo gaareen goobta, kooxaha caafimaadkana ay dhaawaca u qaadeen labada isbitaal ee magaalada—Isbitaalka Magaalada ee Isparta iyo Isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel.

“Inta badan askarta dhaawacmay waxaa lagu daaweeyay isbitaallada, kadibna waa laga saaray. Laba askari oo Soomaali ah oo xaaladoodu culus tahay ayaa wali ku jira isbitaalka, iyagoo helaya daryeel caafimaad oo gaar ah. Waxaan rajaynaynaa inay si dhaqso ah u soo caafimaadaan,” ayuu yiri Erin.

Dalka Turkiga, oo kamid ah xubnaha muhiimka ah ee NATO, ayaa xiriir aad u dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero muhiim ah ka siiya dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga amniga iyo ciidanka.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ku leh saldhigga militari ee ugu weyn oo ay dibadda ku leeyihiin, halkaas oo ay ku tababareen in ka badan 5,000 oo askari Soomaali ah. Waxaa intaa dheer in ciidamo badan oo Soomaali ah ay tababarro militari ku qaataan gudaha dalka Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here