Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho

0
6

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo barqanimadii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo magaalada  Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Hareeri Caadle ee hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, sida warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen ilo ku sugan deegaankaas.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo ka kala baxay Balcad iyo Muqdisho ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo Xalay saqdii dhexe soo buux dhaafiyay aaga Hareeri caadle.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka barqanimadii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda fedaraalka iyo Maamulka Hirshabeele oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dagaalka maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Muqdisho ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab todobaadyo ka hor mudo kooban ay la wareegtay gacan ku heynta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo Muqdisho u jirta 30 KM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here