Warar dheeraad ah ayaa laga helaya tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xarunta sida weyn loo ilaaliyo amaankeeda ee Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicda oo jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lasoo wariyay in laba ka mid ah ay si toos ah ugu dhaceen gudaha xerada Xalane.
Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sido kale sheegaya in labo hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada Xalane, gaar ahaan meel u dhow halka loo yaqaano Movcon oo ah meesha ay diyaaradaha ka raacaan shaqaalaha Qaramada Midoobay.
Si kastaba ha ahaatee wali lama ogo in madaafiicdu ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana jirto ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan madaafiicda lagu weeraray xerada Xalane.
Xerada Xalane ee madaafiocda lagu weeraray waxaa ku sugan masuuliyiin ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay, saraakiil ka tirsan Midowga Afrika iyo safaarado shisheeye oo badan, waxaana halkaasi marar badan uga dhacay weeraro hoobiyaal ah oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda Al-shabaab.
Weerarkan madaafiicda ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo Shalay kooxda Al-shabaab weerar qarax ah kula beegsatay gudaha magaalada Muqdisho kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntii kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka hoobiyaasha ah ee lagu garaacaday gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, iyadoona ku hanjabtay iney sii kordhin doonto weerarada noocaan oo kale ah.