Ingiriiska oo sheegay inuu Somaliland kala shaqaynayo la dagaallanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

0
1

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay Somaliland kala shaqaynayso la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, oo ay sheegtay inay khatar ku yihiin London iyo Hargeysa labadaba.

Gavin Williamson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska isla markaana horay usoo noqday Xoghayaha Difaaca, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda waydiiyay su’aal ahayd: “La dagaallanka Xuutiyiinta, oo ay Al-Shabaab taageerto, ma kala shaqayn doontaan Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah waddanka kaliya ee dimuqraadi ah ee gobolka ka jira?”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, David Lammy, oo ka jawaabay su’aasha Xildhibaan Williamson, ayaa u xaqiijiyay xildhibaanka in ay Somaliland kala shaqaynayaan wax ka qabashada Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

“Arrintan waxaa lagaga hadlay shirkii waddamada G7. Al-Shabaab waa walaac weyn, isla markaana falalka argagixisada ee ka dhasha ficilladooda waxaannu kala shaqaynaynaa saaxiibbada. Haa, aniga ayaa kuu xaqiijinaya arrinta,” ayuu yidhi Lammy.

Somaliland ayaa sannadkii hore dhowr jeer waddamada Galbeedka ka codsatay inay kala shaqeeyaan sugidda amniga biyaha badda, kadib markii Xuutiyiintu ay weerarro isdaba joog ah u gaysteen qaar ka mid ah maraakiibta xamuulka.

Somaliland waxay sheegtay in muddo 30 sano ah ay ku guulaysatay ilaalinta amniga 850 kiiloomitir oo ah biyaheeda, sidaas darteedna ay mudan tahay in lala shaqeeyo. Haddaba, UK iyo Somaliland ayaa dhawaan ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhismaha Ciidamada Badda Somaliland.

Dhanka kale, sirdoonka Dowladda Maraykanka, ayaa dhawaan sheegay in laga yaabo in iskaashi uu ka dhexeeyo kooxaha Al Shabaab iyo Xuutiyiinta, taasi oo kor u sii qaaday walaaca laga qabo amniga Soomaaliya iyo gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here