Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay Degmada Moqokori kulan kula qaatay saraakiisha Militariga Soomaaliya

0
2
 Wararka ka imaanaya ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in habeenkii ugu horeeysay ee uu ku hoyday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka xogwareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyay dhabar adeega ay ciidamada muujiyeen intii lagu guda jiray dagaalo xoogan oo ay Kooxda Al shabaab kusoo qaadeen saldhigyada ay ku leeyihiin degaanada HirShabeele.

Dhowaanahaanba Kooxda Al shabaab ayaa culees xoogan waxa ay soo saartay degaanada HirShabeele oo ay la wareegtay deegaano ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in inta uu joogo degaanada HirShabeele uu ku xoojiyo ciidanka Qaranka inaan laga soo bixin jiidaha dagaalka lana sameeyo howlgallo kuwii ugu dambeeyay ee deganadaan looga saarayo Al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here