Saddex carruur ah oo uu daad ku qaaday magaalada Hargeysa

0
1

Saddex carruur ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa daad ku qaaday magaalada Hargeysa, iyadoo mid ka mid ahi uu geeriyooday, halka labada kalena la soo badbaadiyey.

Sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugnaa goobta uu daadku carruurta ku qaaday, daadku wuxuu galay guriga ay carruurtu degganaayeen, kadibna xoog ayuu kaga saaray.

Gabadh ka mid ah dadka laga soo badbaadiyey daadka oo ku sigatay in uu qaado, ayaa u warrantay HCTV, waxayna sheegtay in markii dhacdadu dhacaysay ay ka tukaamaynsanaysay meherad jaarka la ah guriga ay dhibaatadu ka dhacday, isla markaana mid ka mid ah saddexda carruurta ah uu geeriyooday.

“Carruur baa ku dhimatay anagoo carwada ku jirnay, waxaanu ku dhowaannay in aan nafwaayno, Ilaahay ayaa dab-damiska noo soo diray oo na badbaadiyey. Meeshaasi musiibo ayaa ka dhacday, reero badanna waa ay ku waxyeelloobeen,” ayay tidhi.

Roobabka gu’ga oo maanta ka curtay magaalada Hargeysa ayaa sababay daadad waaweyn, kuwaasoo marka dadka laga yimaado, burburiyey guryo iyo gaadiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here