Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
9

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa deegaanka, ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus oo isugu jira cir iyo dhulba ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyay ammaanka goobihii ay dhibaatadu ka dhacday.

Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya, howlgalka ayaa waxaa lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan la sheegin tirada rasmiga ah ee dagaalkaasi lagu dilay, iyadoo aan si gaar ah loo ogeyn meelaha lala beegsaday.

“Ciidanka XDS iyo kuwa huwanta ah waxay ka soo baxayaan jihooyin badan, iyagoo hawlgalo sifeyn ah ka wada goobihii dhawaan ay Khawaarijtu ku sugnaayeen, duullaanka la isku dubariday ayaa durba guulo laga gaaray, iyadoo ciidamada ammaanku ay dib u riixeen maleeshiyada, waxayna dib u soo ceshadeen dhulkii ay horay gacanta ugu hayeen,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Duulaankan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay Al-Shabaab ka wadeen gobolkaasi, iyadoo kooxdaasi ay isku dayday in ay qalqal geliyaan dadka deegaanka. Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiisha ciidamada ay sheegeen in howlgalku uu socdo, iyadoo ciidamada dhulka iyo kuwa cirka ay ku howlan yihiin sidii looga takhalusi lahaa khatarta.

Ciidanka XDS ayaa ku booriyay dadka rayidka ah inay feejignaadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xaqiijinayo ammaanka Shabeellaha Dhexe, loogana hortagayo weeraro kale oo maleeshiyaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here