Dowladda Mareykanka ayaa ku biirtay dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya cambaareynta weerarkii 18-kii bishii March lagu qaaday kolonyada uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo sababay dhimashada dhowr qof oo ay ku jiraan saxafiyiin.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku tilmaantay duqeyntan mid argagixiso oo looga dan lahaa in lagu weeciyo wadadii Soomaaliya ee dib u soo kabashada iyo xoreynta deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha, waxayna ku celisay inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab iyo Al-Qaacidada Geeska Afrika.
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale muujisay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya iyo dadaallada socda ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Sidoo kale, Midowga Afrika, Sacuudiga, Imaaraadka, UK iyo dalal kale ayaa cambaareeyey weerarkaas oo lala beegsaday Madaxweyne Maxamuud, xilli uu ku socdaalayay jiidaha hore ee dagaalka.