Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa waxay shaaca ka qaaday in lix weerar oo dhinaca cirka ah oo ay ciidamadoodu ka fuliyeen agagaaraha Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ay ku dileen 82 ruux, oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan AS.
Howlgalladan ka dhanka ah Argagaxisada oo si weyn u wiiqay awooda kooxda Al-Shabaab ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la wareegay mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee muddooyinkii dambe dhacay.
“Hawlgallada NISA ee lagu beegsanayo argagixisada, oo socday illaa caawa, ayaa billowday ka dib markii ay sirdoonku sheegeen in koox xag-jir ah ay isku dayeen inay qal-qal-geliyaan ammaanka Sabiid iyo Caanoole,” ayay hay’addu sheegtay.