DEG DEG: Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay isbeddel ku yimid jadwalka doorashada

0
9

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in isbeddel ku yimid jadwalkii doorashooyinka, gaar ahaan diiwaan-gelinta ururrada siyaasadeed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in guddigu uu 21 maalmood oo dheeraad ah ku kordhiyay waqtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, taas oo markii hore ahayd in la soo gabagabeeyo 31-ka Maarso.

Waxa uu xusay in xisbiyadii hore isku diiwaangeliyay billowgii sannadkan ay mar kale u baahan yihiin inay dib isu diiwaangeliyaan, maadaama sharciga cusub ee doorashooyinka sidaas farayo.

“Maalmihii la soo dhaafay, waxaan wadahadallo la yeelanay ururradii hore isku diiwaangeliyay iyo kuwa weli ku guda jira howsha diiwaangelinta. Waxay naga codsadeen in 21 maalmood lagu daro muddadii hore loo asteeyay ee 31-ka Maarso,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhawaan la qaban doono doorashada golaha deegaanka dhammaadka bisha Juun, taas oo ay shacabka ku dooran doonaan mas’uuliyiinta hoggaaminaysa, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Diiwaan-gelinta iyo qaadashada shahaadada ururrada siyaasadeed ayaa sidoo kale waxaa barbar soconaysa saxiixa shuruucda la soo kordhiyay, oo ururrada laga rabo inay saxiixaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here