Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinci ee Turkiga oo bilaabay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
10

Diyaaradaha Akinci ee horumaray ee Turkiga aya si rasmi ah waxay u bilaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsanayo deegaano ka tirsan dowlad goboleedyada Federaalka ah ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinci ayaa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu casrisan ee ay ku rakiban yihiin tignoolajiyada casriga ah ee sirdoonka. Waxay qaadi kartaa gantaalada culus ee weerarada saxda ah ee bartilmaameedyada loo qoondeeyay waxayna awood u leedahay inay qabato muuqaalada ka hor iyo ka dib weerarada.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo markii hore ku billowday gargaarka bini’aadantinimo, waxaana tan iyo xilligaas u xuubsiibtay iskaashi dhanka ciidamada ah. Turkiga ayaa gacan weyn ka geystay tababaridda ciidamada Soomaaliya iyo bixinta agabka milateri oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka.

Diyaarada Akinci ayaa qaadi karta culeys dhan 1,500 Kg, waxayna qaadi kartaa hub kala duwan oo ay ku jiraan gantaalada SOM cruise missiles, Gökdoğan air-to-air missiles, Bozok hage bombs, bombs MK-82. Waxa ay ku duuli kartaa joog dhan 30,000 oo cagood waxana ay ku sii jiri kartaa hawada ilaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga, iyada oo soo xiganaysa khubaro dhanka ciidamada ah.

Soo gelinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Akinci ayaa muujinaya koror weyn oo ku yimid howlgallada ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya, taasoo xoojinaysa dadaallada dowladda ee lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here