Baarlamaanka Somaliland oo canbaareeyay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uu ku imaanayo Laascaanood

0
11

Baarlamaanka Somaliland ayaa si kulul uga hadlay safar uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ku tagi lahaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo oo Somaliland ay sheeganayso inay ka tirsan tahay dhulkeeda.

Cambaareyntan ayaa timid markii uu furmay kalfadhiga baarlamaanka Somaliland Isniintii, ka dib fasax sharciyeed. Xildhibaanada ayaa cadeeyey in Laascaanood ay wali ka arrimiso maamulka Somaliland, waxayna ku tilmaameen safarka Ra’iisul Wasaaraha inuu yahay mid aan la aqbali karin oo ka dhan ah qaranimada Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laba dal oo kala madax-bannaan, maxaa inaga dhexeeya, waxba ma jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil. “Dalkayaga waanu difaacaynaa, baarlamaankayaguna wuu shiray si uu arrintan wax uga qabto.”

Xildhibaanno kale ayaa iyaguna ku celceliyay walaacyo la mid ah kuwii hore, iyagoo ku tilmaamay booqashada la qorsheeyay inay tahay mid daandaansi ah oo sii kordhin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa ammaanka ee gobolka.

Maamulka SSC-Khaatumo oo la wareegay gacan ku haynta Laascaanood 2023 kadib kacdoon shacab oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay socdaalkan la qorsheeyay. Mas’uuliyiinta SSC-Khaatumo ayaa ku tilmaamay mid ay ku muujinayaan taageerada federaalka iyo tilaabo loo qaaday sidii gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay u hoos imaan lahaayeen maamulka buuxa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa difaacay booqashada, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah xaqiijinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago magaalada Laascaanood. Hadal uu jeediyay Todobaadkan ayuu ku nuux-nuux saday in ujeedka socdaalka uu yahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo SSC-Khaatumo iyo sidii loo horumarin lahaa Midnimada Qaranka.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo muddo dheer ay ku muransanaayeen maqaamka gobollada SSC-Khaatumo, iyadoo Puntland iyo Somaliland-ba ay sheeganayaan dhulkaas. Si kastaba ha ahaatee, madaxda SSC-Khaatumo, ayaa ku dhawaaqay inay doonayaan inay ka mid noqdaan maamul-goboleed federaal ah, iyagoo si toos ah ula shaqeeya dawladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here