Home WARARKA 4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta...

4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka

6
0

Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxafadeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen afarta Wasaaradood ee dowlad goboleeyda Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid ku yimid khilaaf soo jiitamayay oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada shaqeynta, wadatashiga iyo is waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowladda goboleedyada iyo dowladda Fedaraalka.

Warka kasoo baxay Wasaaradahan ayaa lagu eedeeyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo arrimaha Islaamka  ee dowladda Federaalka inay ku tumaneyso mabda’a Federaalka, islamarkaana aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad goboleedyada ee ku xusan Dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Wasaaradaha wada saxiixay go’aanka shaqo joojinta ah ayaa cadeeyay in dhankooda wixii howlo ah oo la xariira munaasabado diimeed ama go’aanada arrimaha awqaafta iyo diinta, aysan mar dambe ka qeyb geli doonin hadii aysan ku imaan wadatashi iyo oggolaansho buuxa, hayeshee ay sii wadi doonaan adeegyada diinta oo ay u hayaan bulshadooda.

Ugu dambeyntii majiro wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay dhanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ku aadan warsaxaafadeedkan ay sida wajirka u soo saareen afarta dowlad goboleed ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari, waxaasa la filaya iney kasoo jawaabto saacadaha soo socda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here