Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo magaalada Gaalkacyo uga furay shir wadatashi ah oo looga hadlayo wax ka bedelka cutubka 5-9 ee dastuurka.

0
15

Xasan Macalin Maxamuud Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka furay shirka wadatashiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee looga hadlayo wax ka badalka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay kala qayb galka muwaadiniinta dib u eegista dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo hadal kooban ka jeediyay shirka wadatashiga ururada bulshada rayidka ah ee magaalada Gaalkacyo kula qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha u xilsaaran dib u eegista dastuurka ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay mid ku dhisan dastuurka. saldhig u ah horumarka dawladnimada Soomaaliya iyo dawlad kasta.

Xoghayaha Guddiga La-socodka Dastuurka, Senator Siciid Cabdi Xuseen (Cowke) ayaa uga mahadceliyey maamulka Mudug iyo Gaalkacyo ee maamulka Galmudug sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta hay’adaha u xilsaaran arrimaha dastuurka.

Mas’uuliyiinta Hay’adda u qaabilsan dib u eegista Dastuurka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay ka soo qeyb galayaasha sida wanaagsan ee ay u soo jeediyeen aragtidooda, waxaana ay ballan qaadeen in madashan oo kale ay noqon doonto mid dhinac walba ah. ee dalka si muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu wax uga sheego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here