Dirir ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.
Wuxuu tilmaamay in doodda ku saabsan in caasimaddu noqoto mid ku taalla degaan federaal ah (federal territory) ama ay noqoto caasimad maamul-goboleed, ay tahay arrin u baahan in lagu caddeeyo sharciga lagu wado in Baarlamaanka ansixiyo.
Wasiirku wuxuu iftiimiyay in haddii la tixraaco taariikhda Gobolka Banaadir, aanu jirin “cid sheegan karta” magaalada, maadaama dad kala duwan oo Soomaali ah ay magaalada deganaayeen ka hor intaan dowladnimada casriga ah la helin.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta maqaamka caasimadda aan lagu xallin karin sheegasho qabiil ama taariikh dhinac loo jiidayo, balse loo baahan yahay go’aan sharci oo mideeya shacabka Soomaaliyeed oo dhan.



