Biyihii iyo Korontadii ayaa bishan laga jaray Wasaaradda Howlaha guud iyo Guryaynta ee Xukuumadfa federaalka Somalia kadib markii ay wasaaradaas iska bixin waysay kharashaadkii lagu lahaa.
Wasiirka Wasaaradaas Cilmi Maxamuud Nuur oo horay ugu soo guuldaraystay horumarinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa mar kale ku fashilmay bixinta Lacagtii biyaha iyo Korontada.
Ilo Xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in galabta abaaro 5tii galabnimo laga jaray Biyihii wasaarada Howlaha guud, kadib dhawr bilood oo ay iska bixin waayeen kharashaadkii Biyaha ee lagu lahaa.
Sidoo kale 5tii bisha November ee 2025 ka ayaa laga jaray korontadii, waxaana dib loogu soo celiyay maalmo kadib, iyada oo sida wararku sheegayaan damaanad loogu soo celiyay.
Arritan ayaa ceeb iyo fadeexad ku ah Xukuumada Somalia oo mar walba ku celcelisa inuu kordhay dakhliga ka soo xerooda canshuuraha iyo dhaqaalaha dalka xili korontada iyo biyaha laa jaranayo wasaaradaheeda qaarkood oo qarashka iska bixin waayey.



